1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 31, 2024
Fanaanadda Caanka aheyd ee Luul Jeylaani oo ku geeriyootay dalka Mareykanka
 

Talaado, December 31, 2024 (HOL) - Waxaa Xalay magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ku geeriyootay Allah u naxariistee Fanaanadii caanka aheyd ee Luul Jeylaani Cali, islamarkaana ka mid ah Jilayaashii Soomaaliyeed.

Marxuumadda ayaa la sheegay iney u geeriyootay xanuun mudooyinkii dambe haayay, waxaana geerideeda ka tacsiyadeeyay Fanaaniin, siyaasiyiin iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Luul Jaylaani ayaa caan ku ahayd heesaha dhanka Banaadiriga ah, iyadoona qaaday heeso badan oo xul ah oo ay ka mid ahayeen Ebadkaa ogow ishaada meesha u roon, Riixaanta janaad, Naftay uroonow nabsi yuu ku raacin, Middiyaas meel xun iiga mudee, Beerkaad iiga taalla iyo qaar kale oo badan.

Luul Jaylaani waxay inta badan heesaha wada qaadi jireen fanaaniin caan ah oo ay ka mid ahaayeen Aweys Qamiis, Axmed Naajid Sacad, Axmed Shariif killer, Axmeday Abuukar, Axmed Falaash iyo kuwo kale oo dhamaantood ahaa faaaniin si weyn loo xiiseyn jiray heesahooda, waxaana si gaar ah loo xusay in Luul ay ka mid ahayd hobalada codka baxsan ee aadka loogu bagi jirey.

28 sano kadib Sanadkii 2018-kii ayay dalka dib ugu soo laabatay Marxuumadda, iyadoo ka mid aheyd fanaaniin badan oo dalka isaga cararay kadib burburkii dowladdii dhexe ee dalka, waxaana ugu dambeyn marxuumada ay Xalay ku geeriyootay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaasi Mareykanka.