Talaado, December 31, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaano iyo tuuloyin badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa waxaa si gaar ay u sameeyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 64-aad guutada 7-aad qeybta 60-aad oo kaashanaya ciidanka Booliiska ee degmada Wanlawayn.
Deegaanada ciidamada is kaashanaya ay howlgalada ka Sameeyeen ayaa kala ah Aybuuley, isgaad, Hoo hook, fulaaley, Garfaale, Dibati, Qabiibiyow, Tuhur qaboobey, Waraxley, Cali boonad, Lugud jiliwayne iyo Baladul amiin oo dhamaan ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Taliyaha Ururka 64-aad ee guutada 7-aad Dhame Cali Cabdullaahi Halac iyo Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada Wanlawayn Dhame Cabdulle isaaq oo howlgalada si wadajir ah u hoggaaminaayay ayaa faray shacabka ku nool deegaanada howlgalada laga fuliyay iney la shaqeeyaan ciidamada dowladda si loo helo nabad galyo sax ah.
Lama soo warin howlgaladaan laga fuliyay deegaanada dhowrka ah wax khasaare ah ama iska hor imaad ah dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaas.