Talaado, December 31, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa maanta markii u horreysay ka hadlay arrintii dhawaan ka dhacday Dacawaley, isagoo la hadlayay Shacabka magaalada Shinniile ee gobolka Siti oo maanta uu booqasho gaaban ugu tagay.
Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ugu horreyn waxa uu sheegay in Magaalada Dacawaley ee degmada Xarshin ay ku wada noolaayeen Shacab iyo Ciidamo boolis ah oo si nabad ah ugu wada nool magaalada isla markaana is oggol, balse dagaalkii halkaa ka dhacay waxa uu Madaxweyne Mustafe Cagjar sheegay inay ka dambeeyeen waxa uu ku tilmaamay Kooxo Fitna wadayaal ah, oo qaarkood uu sheegay inay xadka kasoo tallaabeen, waa siduu hadalka u dhigay Mustafe Cagjar.
Waxa kale oo uu sheegay in dad uu ku tilmaamay Mustafe Cagjar inay ahaayeen Kooxo Fitna wadayaal ah ay weerar u gaysteen Ciidankii Liyuu Booliska ahaa ee joogay Dacawaley " Ciidamada halkaa joogay ee Nabadda ilaalinayay waala xasuuqay oo lalaayay, waxaana laayay kooxo abaabulan oo hubaysan", ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in Ciidamadii Liyuu Booliska ee ku dhintay dagaalkii Dacawaley loo samayn doono maalin duco ama baroor diiq ah.
Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu xusay in dagaalkii ka dhacay Dacawaley uu u dhaxeeyay Ciidamada Liyuu Booliska iyo dadka degaanka oo garab ka helaya dad kale oo uu sheegay Mustafe Cagjar inay kasoo tallaabeen xadka, kuwaas oo uu sheegay inay ujeedooyin gaar ah lahaayeen, walow uu sheegay in dhammaantood ay ahaayeen dadkii degaanka maadaama la isku dagaallay gudaha Dowlad Degaanka Soomaalida, waa siduu hadalka u dhigay Mustafe Cagjar.
Waxa kale oo Madaxweynuhu sheegay in baadhis dheer lagu samaynayo wixii ka dhacay Dacawaley, " Diyaar ayaanu u nahay inaan baadhis dheer oo madax banaan ku samayno wixi ka dhacay Dacawaley, waxa kale oo lasamaynayaa qiimayn dhinaca hay'adaha amniga degaanka oo ku saabsan wixii ka dhacay iyo siday wax uga dhaceen magaalada Dacawaley" ayuu yiri Mustafe Cagjar.
Madaxweyne Mustafe Cagjar mar uu si dadban ula hadlayay Somaliland waxa uu sheegay in dhibaatadu meesha ay ka dhacday ay ahayd gudaha Dowlad Degaanka Soomaalida gaar ahaan Dacawaley oo katirsan gobolka Faafan, Masuuliyadna ay ka saaran tahay Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida inay xaliso wixii ka dhacay halkaas, haddii ay ku adkaato ama ay caddaalad daro timaaddana ay Masuuliyad kasaaran tahay Dowladda Fadaralka inay xalliso oo ay soo dhex gasho.
Gabagabadii waxa uu Madaxweyne Mustafe Cagjar sheegay in dadaallada nabadeed ee xukuumaddu doonayso inay ka samayso Dacawaley ay keenayso xal nabadeed oo laga gaaro dhibaatadii dhawaan ka dhacday Dacwaley oo ka tirsan degmada Xarshin ee gobolka Faafah ee Dowlad Degaanka Soomaalida.