Talaado, December 31, 2024 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Qoyska, iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka oo kaashanayso Ururka Haweenka Gobalka Banaadir, Ururada Bulshada Rayidka, iyo Haweenka Siyaasiyiinta ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kulan laga soo saaray baaq Nabaadeed oo ay udirayaan Dhinacyada ku dagaallamaya qeybo ka mid ah dalka, kasoo khasaaro ka soo gaaray labada dhinac ee walalaha ah.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Marwo Xanaan Cabdiasiid Barre ayaa sheegtay inay xoojin doonaan sidii haweenka Soomaaliyeed u joojin lahaayeen dhiiga gayiga Soomaaliya loogu daadinayo habka qabiilka.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Naastaro ayaa ku baaqay in si deg-degga ah loo joojiyo dagaallada qabiilka ee ka socda gobollada Soomaaliya kuwaa oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Wasiir Naastaro ayaa ku tilmaamay in dagaalada noocani oo kale ah ay halis weyn ku yihiin midnimada, nabadda, iyo horumarka dalka.
Wasiirka ayaa ku taliyay in khilaafyada ay dagaaladaan ka dhasheen lagu dhameeyo wada hadal, lana la ilaaliyo xuquuqda dadka rayidka ah.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa ugu dambeeyn sheegay in wasaaradiisu diyaar u tahay inay door ka qaadato dadaallada nabadda, iyadoo u maraysa wada-hadal, dhexdhexaadin, iyo wacyigelin si loo soo celiyo xasilloonida iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.