1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2024
Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Sanaag ee Somaliland oo ku Biiray SSC Khaatumo
 

Arbaco, December, 4, 2024 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sanaag ee Somaliland Jaamac Maxamuud Warsame, ayaa saaka ku biiray SSC Khaatumo.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu tagay degmada Fiqifuliye ee koonfurta Sanaag halkaas oo ay ku suganyihiin ciidanka SSC  Khaatumo, sidoo kale waxa uu la goostay laba baabuur oo mid qori saaranyahay.

"Quluubta ayaynu marwalba ka wada joognay inyar uunbaynu kala maqnayn, soo dhawayntiina waan idiinka mahadnaqayaa marlabaad iyo mar saddexaad, fadhiga ayaynu isku waraysan doonaa" ayuu yidhi G. Jaamac oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu goostay.

Waxa dhawaanahan magaalada Ceerigaabo ka taagnaa qulqulatooyin isir salka ku haya oo sababay amaan daro, iyada oo dad kala duwan lagu dilay magaalada, Somaliland ayaa sheegtay in kooxo nabad diid ahi ay masuul ka yihiin hurinta colaada, dhinacakale SSC Khaatumo, ayaa Somaliland dusha u saartay masuuliyada amaandarada Ceerigaabo.

Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan markii labaad magaalada kusoo rogtay bandow, kadib markii ay sheegtay in kooxo hubaysani ay soogaleen. Badhtamihii sannadkan ayaa magaalada nabad lagu soo dabaalay kadib markii xukuumada Somaliland, iyo waxgaradka deegaanku ay heshiis dhexdhigeen dadkii colaadu dhextaalay.

SSC Khaatumo ayaa dhankeeda si wayn u danaynaysa in magaalada Ceerigaabo ay gacanteeda soogasho, halka ay Somaliland-na u aragto magaalo aan marnaba laga jari karin dhulkeeda.