Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2024
Soomaaliya oo taageertay in Turkigu uu martigaliyo shirweynaha cimilada ee Qaramada Midoobay
Arbaco, December, 4, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda u muujisay taageerada ay u hayso dalabka Turkiga ee ah in uu martigeliyo shirweynaha 31-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31).
Warkan ayaa kasoo baay kulan dhex maray Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Al-makhzoumi iyo Wasiirka Deegaanka, Magaalooyinka iyo Isbadalka Cimilada ee dalka Turkiga Murat Kurum.
Wadahadallada shirkan ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada wasaaradood, kobcinta iskaashiga caalamiga ah, iyo horumarinta ajendaha cimilada adduunka.
Wasiir Khadiija ayaa carrabka ku dhufatay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay Turkiga ka taageerto marti gelinta COP31, iyadoo hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado wax ka qabashada isbedelka cimilada.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay sida ay Soomaaliya ugu heellan tahay xal waara iyo doorka ay ku leedahay dadaalka caalamiga ah ee lagula dagaalamayo isbedelka cimilada.