1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2024
Jubaland oo Dowladda Federaalka uga digtay sii socoshada ciidamada ay ku daabulayso Raas-Kambooni
 

Arbaco, December, 4, 2024 (HOL) - Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraaid ah ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaalada kacsan ee ka taagan degaanada Jubalanad ee kadhashay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo hogaanka sare ee Jubaland.

Maxamuud Sayid Aadan waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay ciidamo ay ka leedahay dano siyaasadeed ay kusoo daabulayso magaalada Raas-Kambooni, waxa uu cadeeyay in degaanka sida ay sheegeyso Dowladda ee ah inay kala wareegeyso ATMIS aysan Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika aysan waligood tagin.

Waxa uu xusay in ay la howlgalaan Taliska 43aad ee Militariga Soomaaliya dhowr jeer oo ay ka go'een saanadihii hubka ay Dowladda Soomaaliya ugu jawaabtay in hubka ay u iibiso Dowlad Goboleedka Jubaland, waxa uu tilmaamay in ay hadda la tacaalayaan Ciidamo ay horey Dowladda ugu dirtay degaanada Jubalanad kuwaasi oo dhac iyo dhibaateyn u geestay Shacabka, sidoo kalana aan heysan tababar wanaagsan oo qaar good ay hor geeyeen Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Jubaland.

Shirka jaraaid ee Madaxweyne kuxigeenka 1aad oo soconayay muddo 18 daqiiqo ayaa ku baaqay in lawada hadlo oo ciidamada dib loogu celiyo Muqdisho, hadii ay kale ay Dowladda qaadi doonto cawaaqiibta kadhalata isku dhaca laba ciidan oo uu ka digay inuu dagaalkaasi horseedi doono mid sukeeye ayna reer Jubaland diyaar u yihiin inay maamulkoodi difaacdaan.

Ugu dambeyn dhanka siyaasadda waxa uu carabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliya ay kala shaqeenayaan qabya tirka Dastuur oo aysan isku Kali yeelin shaqadaasi lana daadajiyo ilaa heer ururada Bulshada rayidka, waxa uu balan qaaday in term ka socda Dowladda imaan doonto kala shaqeyn doonaan doorasho Qof iyo Cod oo dalka guud ahaan laga qabto.