1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2024
Xeerka Ciisaha oo lagu daray xeerarka caalamiga ah ee u diiwaan gashan UNESCO
 

Jimco, December, 6, 2024 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Xeerka Ciisaha, oo ah xeer dhaqameed afka ah oo ay qarniyo badan ku dhaqmayaan bulshooyinka Ciisaha ee dega Djibouti, Ethiopia, iyo Somalia.

UNESCO ayaa ku tilmaamtay xeerka Ciisaha  inuu qayb ka yahay hiddaha iyo dhaqanka aan la taaban karin.

Xeerka Ciisaha waa xeer dhaqameed qarnigii 16-aad lagu sameeyay buurta Sitti ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, wuxuuna ka kooban yahay saddex qaybood oo kala ah, Dastuur qeexaya awood qaybsiga iyo go'aan qaadashada, xeerka ciqaabta oo xoogga saaraya dib-u-heshiisiinta iyo magdhawga, iyo xeer dhaqan bulsho oo mideeya qiyamka bulshada.

Aqoonsiga Xeerka Ciisaha, oo ay si wada jir ah u soo gudbiyeen Itoobiya, Jabuuti, iyo Soomaaliya, ayaa la ansixiyay intii lagu guda jiray kalfadhigii 19-aad ee Guddiga Caalamiga ah ee Ilaalinta Dhaqanka ee hay'adda UNESCO uu ku yeeshay magaaalada Asunción ee dalka Paraguay.

Hay'adda UNESCO waxay iftiimisay sida uu Xeerka Ciisaha xoogga u saarayo mabaadi'da caalamiga ah sida ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta, ilaalinta deegaanka, iyo xallinta khilaafaadka nabadeed.