1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2024
Dowladda Federaalka oo hakisay dhammaan duulimaadyadii rakaabka ahaa ee tagi jiray Gobolada dalka
 

Jimco, December, 6, 2024 (HOL) - Wararka aynu helayno ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay dhammaan duulimaadyadii rakaabka ahaa ee tagi jiray gobollada dalka, ayna maanta Rakaab badan ku xayiran yihiin gudaha Garoonka Muqdisho.

Go’aankan ayaa lala xiriirinayaa shirkadaha diyaaradaha oo diiday inay duulimaadyo ku tagaan magaalada Raas Kambooni, iyagoo ka cabsi qaba in diyaaradahooda la soo rido, Dowladda Federaalka oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa go’aan ku gaartay in ay hakiso duulimaadyada ay ku tagi jireen gobollada dalka.

Dhawaan Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in aysan wax duulimaad ah ka soo degi karin garoonka Raas Kambooni, sababo ku aadan dhanka ammaanka.

Ilaa hadda ma jirto wax diyaarad rakaabka ah oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku sii jeeda gobollada dalka, ilo wareedyo kusugan Garoonka ayaa inoo sheegay in Labo diyaaradood oo kaliya ay u duuleen Puntland, kuwaasoo mid ka mid ah ay siday meydka marxuum senator Gaagaab.

Tallaabadaan ay Dowladda qaaday waxaa si kulul uga hadlay Siyaasiyiinta Mucaaradka kuwaasi oo ku tilmaamay mid aan mas'uuliyad ku dheehneen

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu si kulul u cambaareynayo go’aanka gurracan ee Dowladda Federaalku ay maanta ku joojisay dhammaan duullimaadyadii u safri lahaa gobollada dalka, kadib markii ay diyaaraduhu halis amni ka muujiyeen in ay ciidan u daadgureeyaan deegaanka Raaskambooni.

Kheyre waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in shacab Soomaaliyeed oo isugu jira haween, carruur, iyo waayeel ay maanta dhibbanayaal u yihiin go’aankan, oo ay garoonka Aadan Cadde ku xayiran yihiin kumanaan muwaadiniin ah oo u kala safri lahaa gobollada dalka.

Sidoo kale Xildhibaan Xasan Cabdinuur ayaa sheegay in fashil kaweyni aysan jirin in xukuumadu ay ku xayirtey airport ka Aadan Cade Shacabkii u safrayey Gobolada Dalka Kadib Markii Ay Diyaaradaha Rakaabka ka Cudur Daarteen Iney Ciidamo u Qaadaan Raaskambooni sida uu hadalka u dhigay.