1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2024
Puntland oo isku dayaysa in xoog lagusoo furto markab laga leeyahay Shiinaha oo burcad badeeddu afduubteen
 

Axad, December, 8, 2024 (HOL) - Puntland ayaa dadaal ugu jirta in si xoog ah lagu soo furto markab kalluumaysi oo laga leeyahay Shiinaha, kaasoo maalmo ka hor ay qafaasheen kooxo burcad badeed ah iyo ilaalada markabka.

Markabkan, oo ruqsad kalluumaysi ka haystay maamulka Puntland, ayaa kalluumaysi ka waday xeebaha degaannada Puntland ka hor inta aysan kooxaha burcad badeeddu weerarin

Sarkaal sare oo katirsan laamaha amniga Puntland ayaa u sheegay HOL in maamulka Puntland uu kasoo horjeeddo in madax furasho la siiyo burcad badeedda haysata markabka.

Waxa uu tilmaamay in haddii lagu guulaysan waayo in burcad badeeddu si nabad ah uga degaan markabka, ciidamada Puntland loo fasaxayo inay weeraraan kooxaha burcad badeedda.

Shirkadda leh markabka ayaa sidoo kale lagu wargaliyay in aysan wax wada xaajood ah la sameyn burcad badeedda. Ilaa iyo hadda, lama oga in arrintan ay la xiriirto markii ay burcad badeeddu diideen inay qaataan lacag dhan hal milyan oo dollar ah oo madax furasho ah.

Ganacsato reer Puntland oo la sheegay inay lug ku leeyihiin howlaha Kalluumaysi markabkan ayaa dhankooda wada dadaalo lagusii deynayo markabka oo haatan lagu haysto xeebaha degmada Eyl.