Sabti, January, 6, 2024 (HOL) - Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, ayaa lagu wadaa inay saacad kadib si rasmi ah u shaaciyaan liiska musharaxiinta buuxiyay sharuudaha tartanka doorashada.
Waqtiga kama dambeysta ee loo qabtay musharaxiintu inay isku diiwaan galiyaan waxaa ka harsan wax ka yar hal saac, waxaana guddigu diiwaan galiyay badi musharraxiinta.
Musharax kaste oo madaxweyne isku diiwaan galiyay ayaa laga qaaday lacag soddon kun oo dollar ah, halka musharaxiinta madaxweyne ku xigeenka laga qaaday shan iyo toban kun oo dollar, waana lacagtii ugu badnyad ee lagu diiwaan galiyo musharaxiinta Puntland.
Madaxweynaha uu xilka kasii dhamaanayo ee Siciid Deni weli ma qaadan shahaadada musharaxnimo, kumana jiro musharaxiinta uu soo gudbiyay guddiga doorashada.
Guud ahaan tirada is diiwaan galiyay ayaa ah ku dhawaad 20 musharax, kuwaas oo ay aad uga dhex muuqdaan siyaasiyiinta mucaaradka ee u midoobay inay isbeddel u horseedaan maamulka Puntland.
Qaar kamid musharaxiinta la diiwaan galiyay.
Cabdiweli Cali Gaas
Xasan Shire Abgaal
Asad Cabdullaahi Cusmaan
Abshir Cumar Haruuse
Maxamed Cabdiraxmaan Faroole
Axmed Ciise Cawad
Aadan Sheikh Doon
Guuleed Saalax Barre
Axmed Siciid Awnuur