Sabti, Maarso, 2, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay xadgudubka ay Itoobiya ku hayso madax-banaanida Soomaaliya, wuxuuna mar kale ku celiyay in xadgudubka Itoobiya uu khatar ku tahay xasilloonida gobolka.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay Madasha Diblomaasiyadeed ee Antalya ee Turkiga ayaa wuxuu halkaas ka sheegay in Itoobiya ay isku dayeyso inay indhaha caalamka ka jeediso dhibaatooyinkeeda gudaheeda ka jira iyada oo faragelin ku sameyneysa madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Madaxweynaha isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu meesha ka saaray hadallo aan sal iyo raad toona lahayn oo ay Itoobiya ku doonayso inay ku sharciyeeyso ku xadgudubka badda Soomaaliya.
Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyay aragtida Soomaaliya ee ku aaddan Badda Cas, isagoo carrabka ku adkeeyay in nabadda iyo ganacsiga caalamiga ah ay ku xiran yihiin iskaashiga iyo xasilloonida dalalka deriska la ah Badda Cas.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ay ugu jirto xoreynta deegaannada ay kooxda Alshabaab ku sugan yihiin, xoojinta dowladnimada, iyo horumarka waara.