Hiiraan Online
11/2/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2024
Banaanbax lagu taageerayo wax ka badalka Dastuurka oo goordhaw ka bilaawday Muqdisho
Isniin, Maarso, 25, 2024 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka bilaawday bannaanbax balaaran oo lagu taageerayo wax ka badalka Dastuurka.
Banaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galaya madaxda maamulka gobolka, masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo dadweyne kale oo aad u farabadan.
Dibadbaxaan ayaa u jeedkiisu yahay in taageero loogu muujiyo qorshaha wax ka bedelka Dasturka ee uu wado Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana xiran wadooyinka muhiimka ah ee gala Daljirka Dahsoon oo ah halka uu ka socdo banaanbaxa.
Madaxda iyo masuuliyiinta ka qeybgaleysa banaanbaxa ayaa halkaasi ka jeedin doono khudbado la xariira arrimaha wax ka badalka Dastuurka iyo muhiimadda uu u leeyahay dalka.
Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.