Hiiraan Online
1/11/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2024
Maxkamada Sare ee Somaliland oo laashay qodobo kamid ah xeerka doorashooyinka
Khamiis, Maarso, 7, 2024 (HOL) - Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa aqbashay dacwad uu u gudbiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wax lagaga badalayay qodabada qaar oo ku jiray xeerka doorashooyinka.
Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa aqbashay codsiga oo uu madaxweynuhu kaga codsaday in ay laasho laba qodob oo ku jiray xeerka doorashooyinka oo uu madaxweynuhu sheegay in anay waafaqsanayn Dastuurka Somaliland.
Qodobada ay maxkamadu laashay ayaa waxa kamid ah qodob sheegayay in hadii uu urur kasta 20% ka helo dhamaan gobolada, oo ay sidookale helaan tiro isku mid ah codadka guud in baarlamaanku uu kala saarayo.
Maxkamada ayaa madaxweynaha ku raacday, iyada oo sheegtay in golayaasha baarlamaanka laftoodu ay doorasho ku yimaadeen isla markaana anay ka garnaqin karin guusha iyo guul darada cid cod shacab kusoo baxday.
Maxkamada ayaa sida kale fasaxday xeerka doorashooyinka, sidookale madaxweynaha ayaa dhawaan sheegay in xeerku uu dhamaystirmay oo doorashadii uun loo diyaargaroobayo.