1/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2024
Madaxweynaha Somaliland oo rajo fiican ka muujiyay in uu markale ku guulaysan doono doorashada
 

Khamiis,  May, 9, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu isagu markale yahay musharaxa xibiga Kulmiye, isla markaana uu guulaysan doono.

Waxa uu sheegay in uu diyaariyay doorashadii madaxweynaha oo la qaban doono 13 November ee sannadkan, sida ay baahisay warbaahinta xukuumada Somaliland.

“Doorashadii madaxtooyada Ka madaxweyne ahaan iyo aniga oo ah musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye waa naga diyaar waananu helaynaa" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Isaga oo ka jawaabaya dhawr jeer oo xisbiga Kulmiye uu mucaaradka ugu baaqay in ay aqbalaan natiijada doorashada soo socota, oo ay mucaaradku kaga jawaabeen in aan wali doorasho la gaadhin, ayuu sheegay in mucaaradku doorashadii horeba anay aqbalin.

"Ninka leh maxaad u tidhaahdaan natiijada aqbala waxa aan leehay tii horeba 2017 ilaa hada maad aqbalin maantana kuwa ila tartamayaa waa kuwii aan shalay ka badiyay dad cusub maahan" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu ku andacooday in xisbiga Kulmiye uu horumarka gaadhsiiyay Somaliland isla markaana uu yahay xisbi uu shacaku mahdiyay taasina ay sababtay in uu xisbigu laba jeer ku guulaysto madaxtinimada "Xisbiga Kulmiye waxa lagu dooranayaa waa taariikh iyo difaaca qaranimada Somaliland".

Ugu danbayntii waxa uu sheegay in doorashadii ay diyaar ka tahay dhankiisa, oo uu diyaariyay kharashkii, guddida doorashooyinka ayaa iyaguna dhanooda sheegay in anay waxba ka dhul oolin.