12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2024
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo Abiyi Axmed ku taageeray in la turxaan bixiyo khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya
 

Jimco, November, 1, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa kaga hadlay xidhiidhka labada dal waa Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ku taageeray Abiyi Axmed in la turxaan bixiyo wixii is afgaran waa ah ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Mustafe Cagjar waxa uu sheegay in isaga iyo Xukuumaddiisuba ay Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ku taageersan yihiin in wixii is afgaran waa ah ee ka dhaxeeya labada dal lagu dhameeyo qaab wadahadal ah, iyo iyadoo laga fogaanayo ficilada aan waxtarka ulahayn labada dal iyo shacab ee Itoobiya iyo Soomaliya, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Mustafe Cagjar waxa kale oo uu sheegay in Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ay yihiin labo dal oo dantoodu ay ku jirto deris wanaag iyo wada qabsi, sidaa darteedna loo baahan yahay in wixii la isku afgaran waayo wadahadal lagu dhameeyo, isagoo dhinaca kale xusay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay kaalinteeda kaga aadan ka qaadato xoojinta iskaashiga iyo nabada Geeska Afrika, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Hadalka Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa u muuqday mid uu ku taageerayo hadal uu maalintii shalay ahayd Abiyi Axmed ka horjeediyay baarlamaankiisa, isagoo sheegay in Itoobiya ay muhiim u tahay inay hesho marin badeed, balse taa aysan ku raadinayn xoog iyo dagaal midna, isagoo xusay in haddii arrintaa darteed weerar usoo gaadho Itoobiya inay isdifaaci doonto.

Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa shalay baarlamaankiisa ka horjeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay, isagoo dhinaca arrimaha badda  ku sheegay in Itoobiya aysan weerar iyo dagaal toona ku doonayn bad, balse haddii lasoo weeraro aysan markaa gacmaha laabaneyn, isagoo sheegay in dalkiisu uu leeyahay awood uu isku difaaci karo.