Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2024
Baarlamaanka Jubaland oo ansixiyay Guddiga Doorashada Jubaland
Axad, November, 10, 2024 (HOL) - Baarlamaanka Dowladd Goboleedka Jubaland ayaa saakay ansixiyay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo uu xalay soo magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe.
Fadhigan oo ay soo xaadireen 66 Mudane ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in uu ansax yahay guddiga oo qabanaya howsha soo xulida Baarlamaanka cusub ee Jubbaland iyo doorashada Guddoonka iyo tan Madaxtooyada.
Guddigaan oo ka kooban 7 xubnood ayaa loo igmaday inay howsha doorashada Jubaland ay ugu qabtaan sida ugu dhaqsiyaha badan marka loo eego xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland.
Magaalada Kismaayo waxa ay guda galaysaa maalmihii olalaha doorashada inkastoo dibad joog ay ka tahay Xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Anisixinta Guddigan oo ay Baarlamaanka Jubaland ansixiyeen waxa ay kusoo beegantay saacado kadib markii ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka hortimid go'aankii uu Madaxweynaha Jubaland uu ku magacaabay xalay Guddiga Doorashada, waxaana ay ku eedeysay Wasaaradda Axmed Madoobe inuu markale doonayo in isku doorto magaalada Kismaayo.