12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2024
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xeerarka Doorashooyinka Dalka
 

Isniin, November, 11, 2024 (HOL) - Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan wadajir ah oo ay Shir Gudoomisay Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Marwa Sacdiya Yaasin Xaaji Samatar, waxaana maanta ajendaha uu ahaa ansixinta xeerarka Doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa horgeeyay labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Hindise Shariyeedka Doorashooyinka JFS, Hindise Sharciyeedka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda ee JFS iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha kuwaas oo muhiim u ah nidaamka doorshooyinka toos ah, oo qof iyo cod ah oo ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay dooneyso in guud ahaan Soomaaliya ka hirgaliso.

Ugu horreyn, Wasiir Cali Xoosh ayaa u mahacelieyey labada gole ee Baarlamaanka isaga oo sharxay mabaadi’da iyo ahmiyadda Hindise Sharciyeedka isagoo yiri “Si waafaqsan qodobka 47aad ee Dastuurka, 3da hindise xeereed waxaa lagu saleeyay mabaadi’dan kala ah:

 • Damaanad qaadka xuquuqda siyaasadeed ee muwaaddinka sida ku xusan qodobka 21aad ee Dastuurka,

Damaanad qaadka in dhammaan muwaaddiniinta buuxiyay shuruudaha xeerku tilmaamay ay leeyihiin xaqa dhiibashada codkooda si siman;

Sugidda geeddi-socodka doorashada, oo si sahlan loo fahmi karo xeerarkiisa, qaababkiisa iyo habraacyadiisaba, uuna fulinayo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha;

Sugidda in bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay helaan matalaad caddaalad ah;

Dhiirigelinaya nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan, isla markaana tixgelinaya xaaladda amni iyo tan dhaqan-dhaqaale ee Jamhuuriyadda”.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa ka codsaday Xildhibaannada Labada Gole in waajibka ka gutaan, ayna ansixiyaan Shuruucda muhiimka u ah dalka

Intaa kadib Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay guda galay codeeynta xeerarkaani waxaana gacantaag ugu codeeyay 170 Mudane, mana jirin cid ka aamuustay ama diiday sida ay ku dhawaaqday gaba gabadii codeeynta gacan taaga Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji.