12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2024
Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Qaramada Midoobay ee Isbedelka Cimilada COP29
 

Isniin, November, 11, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa maanta uga qeybgalay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan furitaanka shirka Qaramada Midoobey ee Isbedelka Cimilada COP29.

Xubnaha wafdiga ay hoggaamineyso Wasiir Khadiija ee ka qeybgalay shirka ayaa waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Turkiga iyo Azerbijan Fatxudin Cali Ospite, guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo xubno kale.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Khadiija Maxamed ayaa sheegtay iney rajeyneyso in guulo waa weyn ay ka soo hoyaan shirkaan maanta ka furamay dalka Azerbijan, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga caalamiga ah iyo helitaanka maalgelin ku filan oo lagu xalliyo caqabadaha Cimilada.

"Soomaaliya waxay rajeyneysaa in ay ka faa'iideysato fursadaha shirka #COP29, si ay u hesho taageero caalami ah oo ku aaddan qorshayaasheeda wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo in ay soo bandhigto dadaallada ay ku bixineyso la tacaalida caqabadaha cimilada ee saameynaya dalkeenna" ayay tiri Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi.

Khadiija Maxamed ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadatay qaar ka mid ah madaxda dalalka ka qeyb galaya shirka Qaramada Midoobey ee Isbedelka Cimilada COP29, taasoo sheegtay iney kala hadashay arimaha muhiimka ah ee la xiriira Cimilada iyo in Soomaaliya ay hesho taageero caalami ah oo ku aadan qorshayaasheeda wax ka qabashada isbeddelka Cimilada.