12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2024
Malaayiin Qof oo Saaka u Dareeray Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururada ee Somaliland
 

Arbaco, November, 13, 2024 (HOL) - In ka badan 1 milyan oo qof ayaa saaka u dareeray doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada ee Somaliland, kadib ollole adag oo socday muddo ka badan 20 cisho.

Doorashadan oo isa saaran ayaa waxa kursiga madaxtooyada ku tartamaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Faysal Cali Waraabe, iyada oo tartan ugu wayne dhexmarayo Biixi iyo Cirro.

Dadka ayaa safaf dhaadheer ugu jira goobaha codaynta, codka dadwaynaha ayaa go'aamin doona cida noqonaysa madaxweynaha Somaliland ee 5-ta sanno ee soo socda, iyo saddexda xisbi ee ka arrimin doono saaxada siyaasada 10 ka sanno ee soo socda.

Madaxweyne Biixi oo Somaliland hoggaanka u hayay 7-dii sanno ee lasoo dhaafay, ayaa markan ku jira xaalad hubanti la'aan ah iyada oo la saadaalinayo in uu doorashadan waayi karo, madaama oo uu la tartamayo mucaarad adag oo xididaystay intii uu xilka hayay.

Kormeerayaal tiro badan oo caalami ah ayaa soo gaadhay Somaliland, iyada oo beesha caalamku ay isha ku hayso sida ay u dhacaan doorashooyinkan masiiriga ah, oo guushoodu ay sii xoojindoonto dimuquraadiyada Somaliland lagu majeerto.