12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2024
Puntland: Dowladda Federaalka waxay adeegsanaysaa burcad internet si ay u aamusiso masuuliyiinta iyo shacabka ka soo horjeeda
 

Arbaco, November, 13, 2024 (HOL) - Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa si kulul u cambaareysay wax ay ku tilmaantay Hab-dhaqanka kali-taliska ah ee ku soo badanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaraddu ayay ku dhaliishay qaabka madaxda federaalka ay u aamusiyaan codadka dadka ka soo horjeeda.

Waxay ku eedaysay madaxda federaalka iyagoo sheeganaya inay taageerayaan doorasho xor ah, xalaal ah, hal qof iyo cod ah, haddana inay caburinayaan madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta, iyo warbaahinta.

“Waxaa Masuuliyad darro iyo xad-gudub ah, in la isku dayo in la af-qabto argtiyaha tosinta iyo tilmamaha ah ee ka imaanaya bulshada Soomaaliyeed loona adeegsanayo burcad internet oo si gaar ah u beegsanaysa Masuuliyiinta iyo Shacabka ka soo horjeeda aragtida siyaasadeed ee kali-talis-nimada ah ee uu dalka u horseedayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxayna muujinaysaa dulqaad la’aanta Xasan Sheekh ee aragti iyo maqal kasta oo ka duwan aragtidiisa,” ayay tiri wasaaradda warfaafinta Puntland.

Hadalka kasoo baxay Puntland, ayaa kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan hawada laga saaray bartii facebook ee madaxweynaha Puntland, iyo sidoo kale qaar katirsan baraha bulshada ee weriyayaasha, kuwaas oo ay barahooda ku xirnaayeen malaayiin qof.