1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2024
Doorashooyinka Somaliland oo Jawi Dagan Kusoo Dhamaaday iyo Natiijada oo la sugayo
 

Khamiis, October, 14, 2024 (HOL) - Doorashooyinkii Isasaarka ahaa ee madaxtooyada iyo axsaabta Somaliland ayaa xalay fiidkii kusoo dhamaaday jawi dagan, waxaana la sugaya natiijada rasmiga ah.

Codaynta doorashada oo si rasmi ah u balaabantahay 7:00 subaxnimo ee Arbacadii 13 November, ayaa xalay 6:00 fiidnimo soo xidhantahay, iyada oo tirinta codadkana la bilaabay 7:00 fiidnimo.

Hadaba, tirinta codadka ee gobolada iyo degmooyinka ayaa soo dhamaatay xalayba, waxaana socota hubin iyo isku gayn, iyada oo musharixiinta iyo xisbiyadu ay ilaa xalay usoo jeedeen ogaanshaha codadka ay ka heleen goobkasta.

Natiijada rasmiga ah ayaa lagu dhawaaqi doona maalinta Arbacada ee 21 November, oo ku beegeen todobaad kadib maalinta codbixinta, markaasi oo si rasmi ah loo shaacindoono madaxweynaha 6aad ee Somaliland iyo saddexda xisbi ee saaxada siyaasada ka talin doona 10ka sanno ee xiga

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo MMTV la hadlay ayaa sheegay in guud ahaan doorashadu ay kusoo dhamaatay jawi dagan, waxa uuna u digay dadka qaar oo faafinaya natiijooyin aan rasmi ahayn.