1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2024
Wasaaradda Degaanka Soomaaliya oo heshiis la gashay Hay'adda Global Center for Climate Mobility
 

Khamiis, October, 14, 2024 (HOL) - Magaalada  Baku ee dalka Azerbaijan, waxaa heshiis kuwada saxiixday Wasaaradda Degaanka iyo isbadelka cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay'adda  Global Center for Climate Mobility waxaana uu heshiiskaan diirada saaraya iskaashiga ay labada dhinac ka sameeyaan arrimaha la xiriira isbadelada Cimilada iyadoo dhinaca kale uu horseedayo horumar waara oo ku huboon bulshooyinka Soomaaliyeed.

Iskaashigaan iyo heshiiska waxa uu diirada saari doonaa awood siinta Bulshooyinka unugul degaanka, waxaana markaasi la hubin doonaa la qabsiga isbadalada cimilada ee dalka.

Wasaaradda oo sharaxaysay ujeedada heshiiskaan ayaa waxa ay ku tilmaamtay inuu yahay mid maalgalin mashaariic gaar ah oo ka turjumi doona baahiya dadka isla markaana lagu xoojinayo maamulka maxalliga ah si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi bulsho oo xooggan.

Wasiir Wasaaradda degaanka iyo isbadelada Cimilada ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadija Al-Makhzoumi ayaa khudbad ka jeedisay Munaasabadda Hoggaamiyeyaasha ee Global Center on Adaptation, iyadoo carabka ku adkeysay go'aanka xooggan ee Soomaaliya ee ku aaddan ka hortagga isbeddelka cimilada oo lagu hogaamiyo heer deegaan.

Ugu dambeyn, Wasiir Khadija Al-Makhzoumi ayaa ugu baaqday wadashaqeyn caalami ah oo xooggan iyo taageero dhaqaale oo si toos ah u gaarta bulshooyinka safka hore kaga jira la tacaalidda isbeddelka cimilada.