1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2024
Ciidanka Jubbaland oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wada gobolka Jubbada Hoose
 

Khamiis, October, 14, 2024 (HOL) - Ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa maanta howlgalo culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada tuulooyinka hoostaga deegaanka Buulo xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgaladaan ayaa ah kuwa daba socda weerar Shalay Al-shabaab ku qaaday fariisimo ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin duuleedka deegaanka Buula xaaji.

Wararka hordhaca ah ee kaasoo baxaya howlgalada ciidamada iskaashanaya ka wadaan tuulooyinka ku dhadhaw Buulo xaaji ayaa sheegaya iney geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeeshee aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegeen iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan tuulooyinka hoostaga Buulo xaaji oo dhawaan laga xoreeyay kooxda.

Howlgaladaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmo kooban ka hor ay Jubbaland shaacisay iney xiriirka u jartay dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kadib khilaaf salka ku haaya arrimaha doorashooyinka oo soo kala dhex galay labada dhinac, waxaana khilaafkaasi laga cabsi qaba inuu saameyn ku yeesho dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab oo bilahii lasoo dhaafay si dardar leh uga socday Jubbaland.