1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2024
Qaramada Midoobay oo 5 milyan oo dollar u qoondaysay abaaraha Soomaaliya
 

Khamiis, October, 14, 2024 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa lacag dhan 5 milyan oo dollar ka qoondaysay sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdega ah si ay u taageerto ka hortagga abaaraha ka jira Soomaaliya, sida ay ku dhawaaqday Ku-simaha Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah Joyce Msuya.

Soomaaliya ayaa wajaheysa halis ku saabsan abaarta ay sababtay El NiƱa, iyadoo 70% ay suurtagal tahay in roobabku ay yaraadaan, taas oo khatar gelinaysa sugnaanta cunnada ee bulshooyinka reer miyiga ah ee bartamaha, koonfurta Soomaaliya iyo sidoo kale Puntland.

Maalgelintan ayaa higsanaysa in ay gaarto in ka badan 130,000 oo qof, iyada oo ka caawinaysa agabka haqab-beelka cuntada, biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda.

Iyadoo shirka cimilada uu ka socdo magaalada Baku ee dalka Asarbayjaan, wufuud Soomaaliyeed ayaa u ololeynaya kordhinta dhaqaalaha cimilada, iyagoo muujinaya halganka joogtada ah ee Soomaaliya ay kula jirto abaaraha, fatahaadaha, iyo dhisidda adkeysiga bulshada.