12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2024
Wasiir Saadaad Maxamed "Adduunka managa aqbalayo xiligaan casriga ah ayaan qol isku dooraneynaa, dadkeenu waxay u baahan yihiin doorasho qof iyo cod ah"
 

Jimco, October, 15, 2024 (HOL) - Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saadaad Maxamed Nuur oo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ayaa si adag u sheegay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin doorasho qof iyo cod ah.

Wasiir Saadaad ayaa tilmaamay in laga soo gudbay waqtiyadii dalka ay ka dhici jireen doorashooyin dadban, islamarkaana haatan la joogo xiligii awooda dib loogu celin lahaa dadka Soomaaliyeed si ay u doortaan cida ay doonaayaan.

"Adduunka waqtigaan casriga nagama aqbalaayo inaan qabsano doorasho dadban oo uu kusoo baxo qof dad gaar ah qol ku xareysta ama ay u codeeyaan Xildhibaano sidey noqotaba, laakiin waxay daneynayaan Aduunka in loo dareero doorasho qof iyo cod ah oo ay ku soo baxaan madax ay rabbaan shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Saadaad Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa kula taliyay siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyad dalka ee diidan doorashada qofka iyo cofka ah iney joojiyaan cabsida ay qabaan, islamarkaana ay dalkoda iyo dadkooda u horseedaan horumarka ay dhanka doorashooyinka ka gaareen dunida inteeda kale.

"Adduunka aan joogno ee qeybta ka nahay hada majirto meel ay ka dhacdo doorasho dadban 200 ama 300 oo sano ka hor ayaa la qabsan jiray doorasho dadbadan, waad aragtan dalalka inoogu sokeeya ee xaduudaha aan wadaagno sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti iney qabsadaan doorashooyin qof iyo cod ah" ayuu yiri Wasiir Saadaad Maxamed.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka laga soo saaray qodobo ay ka mid ahayern in dalka uu aadayo doorasho qof iyo cod ah, waxaana qodobkaas si weyn uga horyimid madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.