1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2024
Dowladda Soomaaliya oo bogaadisay jawiga nabdoon ay ku dhacday doorashada Somaliland
 

Jimco, October, 15, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay hanaanka dimuquraadiga ah iyo jawiga nabdoon ee kusoo gabagaboowday doorashada ka dhcday deegaanada Somaliland.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay awood siinta shacabka Soomaaliyeed iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah.

“Wasaaradd arrimaha guddaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS oo si dhow ula socota doorashooyinka madaxtinimo iyo tan xisbiyada ee maamulka Somaliland waxay ugu hambalyeyneysaa xasilloonida iyo jawiga nabdoon ee ay doorashadu kusoo gabagabowday, doorashooyinka soo dhamaaday sida; hanaanka diiwaan gelinta, ololaha doorashada, cod bixinta iyo farriimaha kalsoono gelinta ah ee guddiga doorashooyinka dhamaan tallaabooyinkaasi waxay ahaayeen kuwo ay ka muuqdeen waayo aragnimo, isu dulqaadasho iyo biseyl siyaasadeed” ayaa lagu yiri Wasaxafadeedla Wasaaradda arrimaha gudaha.

Warkaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo doorashooyinka ka qabsoomay Somaliland ay ku soo dhamaadeen si nabad ah, islamarkaana goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada kor joogteynaayay ay sheegeen dhankooda in doorashada ay aheyd mid u dhacday si cadaalad ah.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaaradda oo dhameystiran:-