12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2024
Itoobiya oo sheegtay inay sii wadi doonto dadaalada lagu wiiqayo kooxda Alshabaab
 

Sabti, October, 16, 2024 (HOL) - Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay sii wadi doonto  dadaalkeeda lagu wiiqayo Al-Shabaab.

Ambassador Nebiat Getachew, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee Itoobiya ee dhimista khatarta al-Shabaab ee gobolka.

"Al-Shabaab waxay weli walaac ku yihiin amniga qarankayaga, dadaallada looga hortagayona waa ay sii socon doonaan xaalad walba si looga hortago inay khatar ku noqoto amniga gobolka," ayuu yiri Nebiat Getachew.

Nebiat waxa kale oo uu xusay in maaddaama ay Itoobiya iyo Soomaaliya yihiin deris aan la kala maarmi doonin, ay sidaas daraadeed Itoobiya sii wadi doonto fulinta aragtideeda istiraatijiyadeed si ay xoojiso is-dhexgalka gobolka mustaqbalka fog.

Hadalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa daba socday war uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, kaasoo uu ku caddeeyay in Itoobiya aysan ka qeybgeli doonin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM.

Wasiirka ayaa ku dooday in heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland uu wax u dhimayo madaxbanaanida iyo midnimada  Soomaaliya.

Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xumaaday ka dib markii 01-kii January, 2024-kii ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxeexdeen heshiis is-afgarad ah.

Is-afgaradku waxa uu ujeedadiisu tahay in Itoobiya loo fududeeyo gelitaanka badda si ay dhankeeda u aqoonsato madaxbannaanida Somaliland.