Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2024
NISA oo gacanta kusoo dhigtay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab
Sabti, October, 16, 2024 (HOL) - Taliska hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa magaalada Muqdisho kusoo bandhigay laba nin oo ku eedeysan in kooxda Al-shabaab ay u qaabilsanayeen dhanka Isbitaalada iyo daryeelka bukaanada Al-shabaab.
Labada eedeysane ee NISA gacanta kusoo dhigtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Kooshin Maxamuud Axmed iyo Keyse Faarax Xasan oo loo yaqaano Axmed Yare.
Warsaxafadeed kasoo baxay hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Kooshin Maxamuud Axmed uu kooxda u qaabilsana bukaanada kooxda ee la keeno magaalada Muqdisho, halka Keyse Faarax Xasan la sheegay inuu yahay dhaqtar u qaabilsana kooxda daaweynta bukaanadooda ku sugan degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
“Hay’adda NISA waxa ka go’an ciribtirka cadowga khawaarijta ah ee beegsanaya Shacabka soomaaliyeed iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqayntooda” ayaa lagu yiri qoraalka.
Maalmo kooban ka hor ayay aheyd markii NISA ay sidaan oo kale gacanta ugu soo dhigtay Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali oo ay NISA ku eedeysay iney ka dambeeyeen dilal degmada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho dhawaan loogu geystay sadax ruux oo ganacsato ahaa.
Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka NISA oo dhameystiran:-