1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2024
Jubaland oo si adag uga jawaabtay hadalkii Ra’iisul Wasaare Xamse
 

Talaado, October, 19, 2024 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta ee Jubaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii uu shalay jeediyay Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre kaa oo uu kusheegay in Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uusan sharciyad u haysanin inuu qabto doorasho.

“Ra’iisulwasaaruhu waa in uu isagu dib iskugu noqdaa. Waxa aan xasuustaa xilli uu ku doodayey in Jubaland ay doorasheedada u madaxbanaan tahay halka uu maantay ku doodayo doorashada Jubaland ma aha mid sharci ah", ayuu BBC da u sheegay wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdifitaax Mukhtaar."

Wasiirka Warfaafinta Jubaland ayaa ku dooday in dalkaan uu yahay federaal ayna Dowlad Goboleed waliba arrimihiisa siyaasada iyo tan doorashaba uu u madax banaan yahay, wasiirka waxa uu ganafka ku dhuftay eeda Ra’iisul Wasaare Xamse ee ahayd in dhowr Hogaamiyaha Jubaland uu balanta uga baxay ayna ugu dambeeysay shirkii ugu dambeeyay ee Madashada

“Shirka Wadatashiga Qaranka ee aan ka qeybgalnay aragtida ay gadayeen Madaxda federaalka xilligaas kuma aysan qanacsaneyn Jubaland, waana ay qaadacday shirkaas” ayuu yiri Cabdifitaax.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland ayaa ku adkeystay in aysan marna ogolaan doonin doorasho "muddo dhaaf ah" dastuurka Jubaland uu ogolaanayo in ay doorasho qabsadaan.

Hadalka Ra'iisul Wasaaraha waxa uu si toos ah banaanka u keenay xiriirka xumaaday ee ka dhaxeeyay Jubbaland iyo dowladda dhexe, waxaana Jubaland ay wadataa howlihii Doorasho oo ay Dowladda nidaamka wax loo wado ay diidantahay.