12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2024
Fahad Yaasin oo sheegay in cashar siyaasad ah laga baran doono doorashada Somaliland
 

Talaado, October, 19, 2024 (HOL) - Agaasimihii hore ee Hey'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday degaanada Somaliland laga baran doono cashar siyaasadeed oo uu kusoo koobay dhowr qodob.

Marka ugu horeeysa waxa uu hambalyo u diray Madaxweynaha ladoortay ee Somaliland waxaana uu qiray in ay jiraan caqabado badan oo ladoonayo inuu Cabdriaxmaan Cirro si siyaasadeeysan uga gudbo ay jiraan taa oo ay ka tagtay Xukuumadii Muuse Biixi.

Waxaana kamid ahaa qodobada oo uu ku micneeyay casharka siyaasadeed ee laga bartay doorashada Somaliland:-

1. Siyaasadda han iyo hoggaan bey ku bulaashaa, saadaal wacan iyo sabir baana yoolkeeda looga gungaaraa. Tusaale waxaa u ah Cabdiraxman Cirro.

2. Xisbiyada soo baxay waxay marag u yihiin in siyaasaddii Somaliland uu jiil cusub dhaxlayo, odayaashii hore iyo kuwii dhexe labadaba, waxaa ugu dambeeya Madaxweyne Cirro.

3. Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Alle ha u naxariistee, waa Ustaadka siyaasada Somaliland, waayo jiilka cusub ee dhaxlay siyaasadda waa ardaydii kasoo aflaxday dugsigii siyaasadda Siilaanyo.

4. Cirro guushiisa waxay ku qurxanayd inuu Siilaayo dhaxlo. Horumar iyo hiigsi sare ayuu gaarsiin lahaa Somaliland. Nasiib darro, wuxuu dhaxlay Muuse Biixi oo uga tagaya masas iyo musiibooyin in la saxaa ay Cirro ka cuni doonto kala bar wax ka badan muddo xileedkiisa.

5. Cabdiraxman Cirro, hab xukunkiisa kama duwanaan doono hab xukunkii Madaxweyne Daahir Riyaale. Haddii Riyaale isticmaalay tabihii sirdoonka, Cirro wuxuu isticmaali doonaa ilbaxnimo diblomaasiyadeed.