12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2024
In ka badan 420,000 oo qof oo ku barokacay Soomaaliya 10 bilood gudahood
 

Arbaco, October, 20, 2024 (HOL) - In ka badan 427,000 oo qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya 10-kii bilood ee ugu horreeyay sanadka 2024-ka, sida ay sheegtay Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR).

Heerka barakaca gudaha ee ka dhashay iska horimaadyada iyo ammaan-darrada ayaa aad u kordhay bishii Oktoobar, iyadoo gobollada Gedo, Bay iyo Banaadir ee koonfurta Soomaaliya laga diiwaan geliyay tirada ugu badan ee dadka barokacay.

UNHCR oo dabagal ku samaynaysay is-beddellada barakaca gudaha 17-kii sano ee la soo dhaafay, ayaa diiwaangelisay ilaa 66,000 oo barokac gudaha ah bishii Oktoobar, kuwaas oo 50,000 ka mid ah loo aaneeyey colaado iyo nabadgelyo-xumo, halka 3,000 ay sabab u yihiin jahawareerka isbeddelka cimilada ee sida abaaraha iyo fatahaadaha.

Sida laga soo xigtay UNHCR, cunto, hoy, biyo, taageero nololeed iyo daryeel caafimaad ayaa ah baahiyaha ugu sarreeya ee qoysaska cusub ee soo barakacay.

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay siisay gargaar dadka gudaha ku barakacay ee nugul (IDPs) iyo bulshooyinka martida loo yahay ee ay saameeyeen iskahorimaadyada, amni-darrada iyo isbeddelka cimilada.

Hay’addu waxay sheegtay inay ka shaqeynayso sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga, magan-gelyo-doonka, qaxootiga soo laabanaya iyo barakacayaasha, iyadoo lala kaashanayo dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya.