12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2024
Dagaalyahanno Ajaanib ah oo ku soo qulqulaya kooxda Daacish ee ku sugan degaanada Puntland
 

Khamiis, October, 21, 2024 (HOL) - Tirada dagaalyahannada shisheeye ee ku biiraya kooxda Daacish Soomaaliya ayaa mar kale la shaaciyay inay ii kordhayaan, taas oo ay ugu wacan tahay waxa ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay qulqulka dagaalyahanno shisheeye.

Warbixin cusub oo todobaadkan ay soo saartay kooxda dabagalka cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka digtay in dagaalyahanno ay ku jiraan qaar ka socda wadamada Bariga Dhexe, ay gacan siiyeen kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Tirada Daacishta ku sugan Soomaaliya ayaa haatan  lagu sheegay 600 illaa 700 oo dagaalyahan.

"Dagaalyahanno ajaanib ah ayaa yimaada Puntland iyagoo isticmaalaya marinnada badda iyo dhulka," ayaa lagu yiri warbixin sirdoon ah.

Dagaalyahannada ajnabiga ah “waxay kordhiyeen oo ay kor u qaadeen awoodda kooxda,” ayaa lagu yiri warbixinta. Ilo-wareedyo sirdoon ayaa ku tilmaamaya horusocodka IS ee buuraleyda Cal-Miskaad ee Puntland, inuu yahay isbeddel xooggan.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dagaalyahanada ajnabiga ah ee IS ay ka kala yimaadeen ugu yaraan lix wadan oo kala ah Syria, Yemen, Ethiopia, Sudan, Morocco iyo Tanzania.

Waxa kale oo ay sheegtay in qaar ka mid ah dagaalyahannada ajaanibka ah ee la qabtay ay sheegeen in ay la shaqaynayeen tababarayaal ka yimid qaybo ka mid ah Bariga Dhexe.

Warbixintan cusub ayaa waxay ku qotontaa digniino horay uga soo baxay Mareykanka iyo Soomaaliya oo uu ku jiro taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, kaasoo VOA u sheegay bishii hore in IS-Soomaaliya ay korortay laba jibaar sannadkii la soo dhaafay.

Warbixintu waxay xaqiijisay in hoggaamiyihii hore ee IS-Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin, oo ka badbaaday duqeynta Mareykanka bishii June ee la soo dhaafay, loo dalacsiiyay madaxa agaasinka guud ee kooxda Daacish, “isagoo kaalin hoggaamineed ka galay xiriirka [IS] ee Afrika.