1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2024
Doorashada Madaxweynaha cusub ee Jubbaland oo maanta ka dhaceysa Kismaayo
 

Isniin, November, 25, 2024 (HOL) - Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka qabsoonto doorashada madaxweynaha cusub ee hoggaamin doona Jubbaland shanta sano ee soo socota.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxtinimada Jubbaland ayaa si weyn looga dhex dareemaya gudaha magaaladaas oo maanta amaankeeda si weyn loo adkeeyay.

Musharaxiinta u tartameysa xilkaan oo gaaraya ilaa afar musharax ayaa kala ah Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe, Faysal Maxamed Mataan, Abubakar Cabdi Xasan, Dr. Cabdi Xasan Xajiin.

Dadka Soomaaliyeed ee u dhuun daloolo arrimaha siyaasada ayaa aaminsan in doorashada maanta ka dhaceysa Kismaayo in markale dib loogu soo dooran doono Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland.

Doorashada madaxtinimda Jubbaland ee maanta Kismaayo ka dhaceysa waxaa diidan dowladda fedaraalka Soomaaliya oo sheegtay in aanay aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda, waxaana xusid mudan in Jubbaland aysan dhag jalaq u siinin diidamada dowladda Fedaraalka oo ay ugu dambeyn maanta qabsaneyso doorashada madaxtinimo ee maamulkaas.