12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2024
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hortimid doorashada Jubbaland, iyadoo amartay in dacwad lagusoo oogo Axmed Madoobe
 

Isniin, November, 25, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamtay doorashada lagu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaasoo maanta markii saddexaad loo doortay madaxweynaha Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hortimid hannaanka loosoo xulay xildhibaanada  Jubbaland  iyo doorashada hoggaanka baarlamaanka Jubbaland.

Go’aankaan ayaa looga dhawaaqay kulan degdeg ah oo ay caawa Golaha Wasiirrada Soomaaliya ka yeesheen doorashada Axmed Madooobe.

Golaha Wasiirradu waxay sheegeen in Axmed Madoobe uu dhammaystay muddo-xileedkiisii labaad ee uu u oggol yahay dastuurka Jubbaland, taas oo ka dhigan in uusan xaq u lahayn inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Garyaqaanka guud ee dowladda ayaa lagu amray inuu inuu dacwad kusoo oogo Axmed Madoobe, taas oo salka ku haysa ku tumashada xeerarka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo ku xadgudubka heshiisyada siyaasadeed ee dalka.

Xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay in doorashada Kismaayo ka dhacday ay si cad ugasoo horjeeddo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee bishii May 2023 lagu gaaray Muqdisho.

Heshiiskaas oo dhigayay in dalka lagu hagi doono nidaam doorasho oo ku saleysan hal qof iyo hal cod, ayna kala saxiixdeen dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ay  Jubbaland ku jirto.

Golaha Wasiirradu waxay ku eedeeyeen guddiga doorashooyinka Jubbaland inay yihiin kuwo sharci-darro ah oo uu si gaar ah usoo magacaabay Axmed Madoobe, taasoo ay sheegeen in ay ka horimaaneyso shuruucda iyo xeerarka u degsan doorashooyinka dalka.