1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2024
Dowladda Fedaraalka oo bilaawday xakameynta hubka sharci darada ah iyo Calaamadeynta Rasaasta
 

Talaado, November, 26, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay arrimaha xakameynta hubka sida sharci darrada ah kuso gala gudaha dalka.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socda beesha Caalamka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Wasiir amniga Soomaaliya oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray xakameynta hubka sharci darada kusoo gali jiray dalka oo ay ka faa'ideysan jireen kooxaha lidiga ku ah amniga guud ee dalka.

"Si looga hortago qulqulka hubka sharci darrada ah ee dalka soo galaya, waxaan bilownay calaameynta rasaasta, iyada oo la isticmaalayo tiknoloojiyadda casriga ah" ayuu yiri Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Ku xigeenka La taliyaha amniga Qaranka Mukhtaar Maxamed Xasan ayaa dhankiisa ka sheegay kulanka in ka xafiis ahaan ay ka go’an tahay xaqiijinta la dagalanka hubka sharci darradda ah iyo calaamadeynta rasaasta.

"Waxyaabaha ugu muhiimsan ee maanta shirka looga hadlay waxaa ka mid ah, qiimeynta qorshaha Qaran ee sanadlaha kaasoo aan ka fiirinay guulaha ay dowladda ka gaartay iyo waxyaabihii qabsoomay" ayuu yiri ku xigeenka La taliyaha Amniga Qaranka Mukhtaar Maxamed Xasan.

Kulankaan looga arrinsanayay xakameynta hubka sharci darada ah iyo calaamadeynta rasaasta ayaa kusoo aadaya, iyadoo horay marar badan xaduudaha dalka uu la wadaago dowladda Itoobiya ay kasoo galeen gudaha dalka hub sharci daro ah.