1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2024
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo kala duwan oo muhiim ah
 

Talaado, November, 26, 2024 (HOL) - Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo Xalay kulan deg deg ahaa ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa meel mariyay heshiisyo dhowr ah oo ay Xukuumadda Soomaaliya lasoo gashay dalalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Kuuriyada Koonfureed.

Shirka Golaha oo uu shir guddoomiyay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Goluhu ku ansixiyeen hindise sharciyeedka iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, heshiis is afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo iska kaashanaya Arrimaha Beeraha, Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta, iyo heshiis ku saabsan shaqo qorista shaqaalaha oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Kulanka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu meelmariyay heshiiska wareejinta Maxaabiista Xukuman oo ay la gashay Xukuumadda dowladda Kuuriyada Koofureed.

Waxaa sidoo kale shirka Golaha loo daadagay amniga guud ee dalka iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Ugu dambeyntii kulankaan deg dega ahaa ee Xalay Goluhu yeesheen ayaa sidoo kale Xukuumaddu uga hortimid doorashadii Shalay ka dhacday Kismaayo ee dib loogu doortay Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland, waxaana Xukuumaddu amartay in dacwad lagu soo oogo Axmed Madoobe, taasoo la xariirta ku tumashada xeerarka doorashooyinka Qaranka iyo ku xadgudubka heshiisyada siyaasadeed ee dalka.