1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2024
Shiinaha oo cambaareeyay hadallo kasoo baxay Koongareeska Maraykanka oo lagu taageerayay xiriirka Taiwan iyo Somaliland
 

Talaado, November, 26, 2024 (HOL) - Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay hadallo ka soo baxay xubin ka tirsan Congress-ka Maraykanka, kuwaas oo lagu taageerayay xiriirka Taiwan iyo Somaliland, laguna weerarray iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Af-hayeenka safaaradda Shiinaha ayaa sheegay in maamulka Taiwan uu si gaar ah u faragelinayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isagoo xiriir la samaynaya kooxo ka tirsan maamulka Somaliland si uu u sii xoojiyo qorshihiisa gooni-isu-taagga.

Tallaabooyinkaas, ayuu sheegay inay dhaawac weyn u geysanayaan midnimada iyo danta guud ee dadka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kuwa Somaliland.

"Shiinuhu wuxuu si wadajir ah ula shaqayn doonaa Soomaaliya si loo ilaaliyo midnimada qaranka, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed," ayuu yiri afhayeenka safaaradda.

Dowladda Shiinaha ayaa xustay in iskaashiga ay la leedahay Afrika uu ku dhisan yahay saaxiibtinimo dhab ah, ixtiraam labada dhinac ah, iyo faa'iido wadaag.

Iskaashigan, ayuu Shiinuhu sheegay, inuu faa'iidooyin muuqda u keenay dadka Afrikaanka ah, iyadoo ujeeddadu tahay in la dhiso bulsho wadajir ah oo ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika.

Safaaradda ayaa intaas ku dartay in qorshe kasta oo siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu kala dhex galo xiriirka Shiinaha iyo Afrika uu yahay mid aan waxba ka badali doonin midnimada iyo iskaashiga xooggan ee labada dhinac.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Maraykanka iyo Shiinaha ay sii xoogeysaneyso, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha Taiwan iyo saameynta Shiinaha ee qaaradda Afrika.