1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan sahaminta tamarta
 

Arbaco, November, 27, 2024 (HOL) - Shirkadda Tamarta ee dawladda Turkiga, TPAO (Turkiye Petroleri Anonim Ortakligi) iyo Hay’adda Shidaalka ee Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan sahaminta kaarboon-carbon ee si wadajir ah Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.

Sida lagu sheegay warbixinta, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis heer sare ah oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah, xilli uu magaalada Ankara booqasho ku tagay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

"Heshiiskan, waxaan ku fulin doonnaa hawlgallo cilmi baaris oo saliid iyo gaas ah oo ku saabsan dhulka Soomaaliya," ayuu yiri Wasiirka Tamarta, Bayraktar.

Madasha Tamarta ee lagu qabtay Istanbul todobaadkii hore, ayuu Madaxweynaha Turkiga, Erdogan, sheegay in markabka Turkiga “Oruc Reis” uu bilaabay inuu ka shaqeeyo saddex goobood oo ku yaalla biyaha Soomaaliya.

Warku waxa uu intaa ku daray in Turkigu uu sahaminta Shidaalka iyo Gaaska ka samayn doono Badda Soomaaliya ee saddex meelood oo cayiman.

Turkiga ayaa noqday saaxiibka dhow ee dowladda Soomaaliya ee iskaashiga tamarta sannadihii u dambeeyay.