1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2024
Shir looga hadlaayo Gaaritaanka Heshiis Bulsho iyo Sare u qaadidda dakhliga gudaha oo ka furmay Magaalada Muqdisho


Arbaco, November, 27, 2024 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi uga furay shir heerkiisu sareeyo oo lagaga arrinsanayo qorshaha gaaritaanka Heshiis Bulsho iyo Sare u qaadidda dakhliga gudaha oo Dowladda Soomaaliya ay hadda qorsheynayo in la gaarsiiyo heer looga maarmi karo kaalmooyinka dibadda.
 
Wasiir Biixi Imaan Cige, oo furitaan khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, sare uqaadidda dakhliga gudaha iyo dhameystirka wada-xaajiodka Deyn Cafinta Soomaaliya waxuu  kale uu xusay sida ay muhiim u tahay in dakhliga gudaha ay Dowladda kor u qaado si loo gaaro horumar dhaqaale oo qeyb ka ah adeegga bulshada.

"Dowladda Soomaaliya waxay kasoo kabanaysaa burburka dowladeeni kuyimid oo keenay inay hay'adihii dowliga naga dumeen, amni darida baahdo iyo heerka saboonimadu baahdo, kabayaashii dhaqaale ay meesha kabaxeen arimahaasi oo dhami laisku geeyay ayaa waxa ay noqdeen kuwa dhibaato dhaqaale nagu haayo, dadkeeni waxa ay ku tiirsan yihiin beeraha iyo xoolaha, isbadalada cimilada ayaa sidoo kale na sameeyay dhaqaale ahaan, waxaan ognahay inay barakaceen dad badan oo Soomaaliyeed, culeeysyadaasi oo aan la tacaaleenay, ayaan waxaan dhisnay Hay'addaha Dowliga si baahiyahaasi looga jawaabo," ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu wasiirka shaaca ka qaaday in dagaalka lagaga xoreeyay Al-shabaab degaano badan oo dalka ah inay keentay baahiyo badan oo ay kamid tahay in dadkaasi labaro dowlad wanaaga, cadaalad ay helaan, waxbarasho ay helaan waxaas oo dhami waxay u baahan tahay ayuu yiri dakhli gudaha ka yimaada oo la isku haleen karo.

Wasiirka waxa uu sheegay in awood badan ay geliyeen dakhli uruurinta gudaha labadii sano ee lasoo dhaafay inasto aysan ahayn wali sidii la rabay.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, qaar ka mid ah xubnaha Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada, masuuliyiin kale oo ka socda Bangiga Adduunka, Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha Maaliyadda, Xafiiska arrimaha Bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay iyo xubno matalayay Ururada Bulshada Rayidka, qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.