Khamiis, November, 28, 2024 (HOL) - Wasiiradda amniga gudaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Serbia Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Ivica Dačić ayaa heshiis dhanka amniga ah ku kala saxiixday magaalada Belgrade ee Caasimadda dalka Serbia.
Wasiir Fartaag ayaa dhigiisa Serbia kala hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee la xiriira dhanka tababarka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo waliba sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee horumarinta iyo iskaashiga amniga.
“Xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada maanta aan ku saxiixnay heshiiskanina waxay sii xoojin doonta taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya.
Raysal Wasaare ku xigeenka dalka Serbia ahna Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Serbia ayaa dhankiisa talaabo taariiqi ah ku tilmaamay heshiiskaan ay wada gaareen labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia, isagoona sheegay iney ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal.
Ugu dambeyntii dowladda Serbia ayaa ka mid ah dowladaha doorka muhiimka ah ka ciyaara dadaalada dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaana dhanka tababarada ciidamada iyo horumarinta hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliyeed.