1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 29, 2024
Xiisad colaadeed oo maanta ka taagan xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
 

Jimco, November, 29, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Xiisada u dhaxeysa labadaan maleeshiyo beeleed ayaa si gaar ah uga taagan inta u dhaxeysa degmooyinka Ceel baraf iyo Jalalaqsi ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Labada maleeshiyo beeleed ee kasoo kala jeeda beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa dhaqdhaqaaqyo iyo hub aruursi xoogan ka wada nawaaxiga deegaanka Xalfooleey oo ay dhawaan ku dagaalameen labadaan dhinac.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladu tahay mid aad u kacsan, islamarkaana laga cabsi qabo in marwalba ay suurtagal tahay inuu qarxo dagaal u dhaxeeya maleeshiyaadka labadaan beelood.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ku guuldareystay inuu xal waara ka gaaro colaada u dhaxeysa labadaan beelood oo marar badan soo laab laabtay, taasoo salka ku haysa lahaanshaha dhul daaqsimeed ku yaala xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta labadaan beelood oo dhawaan ku shiray Muqdisho ayaa ku baaqay in la joojiyo colaada ka dhex taagan Xawaadle iyo Abgaal, mana muuqato wax ka hirgalay baaqyada iyo dadaaladii ay ku doonayeen joojinta dagaalka u dhaxeeya.