Jimco, November, 29, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Arusha uga qeyb galaya shir muhiim ah oo u dhexeeya madaxda dalalka ku bahoobay Daladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).
"Madaxweyne Xasan ayaa jeedin doona khudbad uu madaxda iyo martisharafta kale uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda Bariga Afrika" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Shirkaan ayaa madaxdu diiradda ku saarayaan arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga, Waxbarashada iyo horumarinta Bulshada Dalalka ku mideysan Daladdaan si ay uga kala faa’iideystaan Dalalkaan dal walba nimcada gaarka ah uu leeyahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doona mudada uu ku sugan yahay magaalada Arusha madaxda dalalkaan ku bahoobay Daladda Bulshada Bariga Afrika EAC.