1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2024
Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya oo maanta laga daah furay Muqdisho
 

Sabti, November, 30, 2024 (HOL) - Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka daah furay magaalada Muqdisho Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somali Internet Governance Forum).

Madashaan ayaa ah madal muhiim ah oo lagu gorfeynayo doorka internet-ka ee horumarinta Soomaaliya waxaana ujeedadeedu tahay in ay noqoto meel lagu wadaago aragtiyo, talooyin, iyo xalal wax ku ool ah oo la xiriira maamulka internet-ka.

Saalax Jaamac ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada, dowladda iyo shirkadaha gaarka ah si loo dhiso nidaam hufan oo lagu maamulo internet-ka, taas oo horseedi karta horumar ballaaran oo dhinacyo kala duwan leh.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay madashani u leedahay dadka Soomaaliyeed  waxa uuna sheegay in 80% adeega internet ka uu Soomaaliya ka saacidi doono inay qabsato doorasho Qof iyo Cod ah.

Madasha hab maamulka internetka dalka ayaa kulmisay dhinacyada, Dowladda, Jaamacadaha dalka iyo Bulshada rayidka ah oo dhamaan doorkooda madasha larabo inay kusoo bandhigaan.

Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya oo socon doona muddo laba maalin ah, waxaana inta badan lagu gorfeeyn doonaa habka ugu fudud ee lagu xakameen karo aaladaha kala duwan ee la xiriira internet-ka sida Social media oo Facebook iyo TikTok si weyn ay u isticmaalaan Soomaalida.