1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2024
Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Fedaraalka iyo maamulka Jubbaland
 

Sabti, November, 30, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay khilaafka culus ee u dhaxeeya dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, isagoona garab istaag xoogan u muujiyay madaxweynaha dhawaan dib loogu doortay Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale arrin aan wanaagsaneyn uu ku tilmaamay talaabada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ku geysay deegaanada Jubbaland ciidamo ay ka daabushay magaalada Muqdisho.

“Maanta arrintu waxay soo gaartay ciidamadii qaranka ee loogu talagalay inay difaacaan dalka loo adeegsanaayo xaalad la abuuraayo oo uu dhiig ku daadan karo, waana mas’uuliyad darro weyn, mana jirin baahi loo qabo in ciidan qaran la geeyo Jubbaland” ayuu yiri madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waaranka soo qabashada ah ee loo jaray Axmed Madoobe ku sheegay mid qalad ah, islamarkaana doorashada Jubbaland ay ku qabsoontay waqtigii loogu talo galay.

“Qofki yiri doorasho aan qabanayaa ee qabtay in la yiraahdo waaran ayaa loo jarayaaa kii kaleetana sidaada ku joog hadaa aamustana tan oo kale ayaa kuugu dhaceyso dowladnimo kuma shaqeyneyso sidaas ee dowladnimo wa heshiis bulsho, Dastuurku waa heshiis bulsho oo ay tahay inaan wada ilaalino, dowladda hada waxaa u furan in maamul goboleedyada kale ay tiraahdo doorasho hala qabto” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shirkaan jaraa'id ee Sheekh Shaariif Sheekh Axmed ayaa kusoo aadaya, iyadoo wali khilaafka u dhaxeeya dowladda fedaraalka iyo Jubbaland oo uu marayo heerkii ugu sareeyay, waxaana walaac xoog leh laga muujinaya dagaalo dhexmari kara labada ciidan ee dowladda Fedadaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland oo wada dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda.