12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2024
Dowladda Fedaraalka oo Baydhabo u dirtay afar diyaaradood oo sida gargaar bani'aadanimo

Talaado, November, 5, 2024 (HOL) - Hay'adda maareynta iyo musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa saakay gargar bani'aadanimo u dirtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

SODMA ayaa ilaa afar diyaaradood oo sida deeq gargaar ah u dirtay magaalada Baydhabo, taasoo loogu talo galay in loo qeybiyo dadka danyarta ah ee ku nool deegaanada maamulka Koofur Galbeed, gaar ahaana magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

Agaasimaha waaxda gargaarka ee Hay’adda SODMA Sahra Cali Yuusuf oo Warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in SODMA ay kordhisay dirista gargaarka loo qorsheeyay dowlad goboleedyada dalka si looga hortago dhibaatooyin ka dhasha abaaraha laga digayo iney dalka kusoo wajahan yihiin.

"Waxaan halkan maanta ka dirnay afar flight oo aan u dirnay degmada Baydhabo, iyada oo aan ka jawaabeyno baaqii naga soo gaaray madaxda Qaranka iyo shacabka ku dhaqan degmada Baydhabo, iyadoo laga digayo abaaraha ba’an ee hadda la saadaalinayo" ayey tiri Sahra Cali Yuusuf.

Deeqdaan gargaarka ah ee loo diray magaalada Baydhabo ayaa ka mid aheyd gargaar dhawaan dowladda Soomaaliya ay ka heshay dowladda iyo Shacabka dalka Shiinaha.