12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2024
Talyaaniga oo taalo u dhisay saxafiyad wax baarta oo 30 sano ka hor lagu dilay Soomaaliya
 

Talaado, November, 5, 2024 (HOL) - Dowladda Talyaaniga ayaa taalo u dhistay Ilaria Alpi, oo ahayd saxafiyad 30 sano ka hor lagu dilay magaalada Muqdisho, iyada iyo sawirqaadeheeda Miran Hrovatin.

Taaladeeda oo lagu xasuusan doono ayaa todobada bisha  laga taagayaa magaalada Campobasso.

Ilaria Alpi waxay ahayd saxafiyad wax baarta oo katirsanayd telefishinka Rai. Aria Alpi waxay jirtay 33 sano oo kaliya markii Muqdisho lagu dilay, iyada oo xilligaas ku howlanayd baarista noocyada  ganacsiga sharci darrada ah.

Markii la dilayay, waxay daba socotay kiis hub ah iyo qashinka sunta sharci darrada ah oo ay aaminsanayd in Ciidanka Talyaaniga iyo hay'ado kale ay ku lug lahaayeen.

Talyaaniga ayaa shakhsiyaad Soomaaliyeed oo lala xiriirinayay dilkeeda xirxiray. Waxaa kamid ah dadka la xiray nin lagu magacaabi Xaashi Cumar oo muddo ka badan 20 sano u xirnaa dambigaas, inkastoo sanadkii 2016 lasii daayay, lana siiyay mardhow ka hor inta uusan 2022 u geeriyoon qarax gaarigiisa loogu xiray.

Sannadkii 2009-kii Francesco Fonti, oo hore uga tirsanaan jiray 'Ndrangheta', ayaa sheegay in Ilaria Alpi iyo sawir qaadeheedii la dilay sababtoo ah waxay arkeen qashinka sunta ah oo uu soo raray markabka talyaaniga laga leeyahay ee Ndrangheta oo soo gaaray Boosaaso.