1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2024
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ciidanka Itoobiya laga reebay howlgalka cusub AUSSOM
 

Sabti, November, 9, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa xaqiijiyay in howlgalka cusub ee badalaya ATMIS laga reebay iney qeyb ka noqdaan ciidamada dowladda Itoobiya.

Wasiir Jaamac oo wareysi kooban siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sababta looga reebay ciidanka Itoobiya howlgalka bilaabanaya sanadka soo socda ee 2025-ka inuu yahay mid la xariira xadgudubka Itoobiya ay kula kacday madax banaanida Soomaaliya.

"Ciidamada Itoobiya si rasmi ah ayaa looga reebay howlgalka cusub ee ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Soomaaliya ka bilaabaya horaanta sanadka 2025-ka, sababto ah Itoobiya waxay kusoo xadgudubtay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay wasiir Jaamac in howlgalkaan cusub uu wax badan ka badalnaan doono howlgalkii waqtigiisii dbamaaday ee ATMIS, islamarkaana dalal cusub ay ka mid noqon doonaan.

"Dowladaha cusub ee qeybta ka ah howlgalkaan iyo kuwa dib uga mid noqonaya howlgalka cusub dib ayaa ka soo shaacin doona, howlgalkan waxa uu kaga duwanan doona kii hore waa tiro kooban oo ka howlgali doono meelo kooban, waxayna si toos ah ula howlgali doonaan ciidanka xoogga ee dagaalka kula jiro Khawaariijta, maadama howlgalkaan uu noqon doono mid sifeyn ah" ayuu yiri Wasiirka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Talaabadaan ciidanka Itoobiya looga reebay howlgalka bilaaban doona dhawaan ayaa imaaneysa, iyadoo marar badan dowladda Soomaaliya ay horay u shaacisay in ciidanka Itoobiya ka mid noqon doonin howlgalka cusub hadii aysan ka laaban heshiiskii ay la gashay Somaliland ee ku aadana iney hesho qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya.