Hiiraan Online
12/2/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2024
Wasaaraddii uu wasiirka ka ahaa Mukhtaar Roobow oo magaca laga badelay
Sabti, November, 9, 2024 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacii ka badalay Wasaaraddii uu wasiirka ka ahaa Sheekh Mukhraat Roobow Cali Abuu Mansuur oo ahayd Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha DIinta oo in muddo ah ay wasaaradda magacaan ay xambaarsaneyd.
Barta Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ee X ayaa lagu baahiyay warka ku saabsan in magacii laga badalay Wasaaradii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa soo saaray digreeto magaca looga beddelayo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, oo hadda laga dhigay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka."ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Waa wasaaraddii sadaxaad oo ay xukuumadda Raysal Wasaare Xamse magaca ka badasho, waxaana ka horeeyay Wasaaradii Haweenka iyo xaquuqul aadanaha oo markii loo magacabay Wasiir Bashiir Goobe loo bixiyay Wasaaraha Arrimaha Qoyska iyo Xuquul Insaanka XFS iyo Wasaaradii Kalluumaysiga oo iyadana laga dhigay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee XFS.