1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2024
Wasaaradda Amniga Gudaha oo beenisay in Cabdullaahi Ganey uu yahay La taliye ka tirsan Wasaaradda
 

Sabti, November, 9, 2024 (HOL) - Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay maanta qoraal ay ku cadeyneyso in shaqada laga ceyriyay bishii Maarso ee sanadkii 2022-kii Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano Cabdullaahi Ganeey, kaasoo sheegta inuu yahay madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha ayaa lagu shaaciyay in  Cabdullaahi Ganeey inuusan haatan ka aheyn la taliye ka tirsan Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya.

"Abdullahi Abdirahman Adan oo mar ahaan jiray la taliyaha barnaamijka dhaqancelinta iyo isa soo dhiibaysha Serendi xukuumadii hore laga soo bilaabo bilowgii sanadkii 2021-ki ilaa bilowgii sanadkii 2022-kii, shaqada laga eryay Bishii Maarso 2022-kii. Sidaas daraadeed waxaan u cadeeyneyna dadka Soomaaliyeed iyo cid walba oo uu la xiriiray in uusan meelna ku matali karin Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha.

Warkaan kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha ayaa kusoo aadaya, iyadoo laba habeen ka hor ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Sahanka iyo sidroonka ay weerar ku qaadeen hoyga uu ka daganaa magaalada Baledweyne Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan oo sheegta madaxweynaha Hiiraan State si ay u soo qabtaan.

Xiliga ciidamadu ay weerarka ku qaadayeen hoyga uu daganaa Cabdullaahi Ganey ayaa la sheegay inuu ka maqnaa hoygiisa, waxaana intaas kadib la tilmaamay inuu u baxsaday dhinaca dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Cabdullahi Ganey ayaa lagu eedeeyay inuu dhowr jeer tagay gudaha dalka Itoobiya, islamarkaana uu halkaasi Itoobiya kula soo galay heshiisyo ay ka mid ahayeen in Hiiraan aysan imaan karin ciidamada ka socda dalka Masar ee lafilayo iney qeyb ka noqdan howlgalka cusub ee bilaabanaya 2025-ka, islamarkaana Hiiraan ay sii joogayaan ciidanka Itoobiya.

Dhinaca kale Weerarkii lagu qaaday  Cabdullaahi Ganey waxaa cambaareeyay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ku tilmaamay weerarkaas mid aan laga fiirsan, wuxuuna sheegay inuu Maxkamad la tiigsan doono ciidankii fuliyay weerarka lagu raadinayay Cabdullaahi Ganey oo uu tilmaamay in lagu qalqal galiyay guryo uu ku leeyahay gudaha magaalada Baledweyne oo ay galeen ciidamadii raadinayay Cabdullaahi Ganey.